Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya Jabril Ibrahim Abdulle,ayaa Magaalada Nairobi uga qeybgalay daawashada bandhig dhaqameed ay soo abaabuleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta Jaamacadda Caalamiga ah ee USIU-Africa ,taas oo fadhigeedu yahay Dalka Kenya.
Bandhiggaasi oo sidoo kae ay ka qeybgalrrn xubno ka tirsan dublamaasiyiinta Safaraadda Soomaaliye,waxaa ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaasi ay halkaasi ku soo bandhigeen dhaqanka faca-weyn ee qowmiyadda Soomaalida,iyagoo soo gudbiyay heeso iyo barnaamijyo ka tarjumaya dadka Soomaalida.
Danjiraha Soomaaliya ee safaaradda Kenya Jabril Ibrahim Abdulle iyo xubnihii kaler ee ka socday safaaradda ayaa bogaadiya ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalkaasi,iyagoo ka mahadceliya ddaalka ku aadan bandgigga iyo soo gudbinta hab-dhaqanka dadka Soomaalida.
Jaamacada USIU-Africa ,waxa ay kamid tahay jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Kenya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ,taas oo ay wax ku bartaan arday badan oo Soomaali ah oo qaata waxbarashada noocyada kala duwan ee cilmiga.
Daawashada bandhigga dhaqanka waxaa kaloo ka qeybgalay dibolomaasiyiinta iyo safiirada Afrika ee ku sugan Nirobi.