Madaxda Qaranka oo Masjidka isbaheysiga salaadda Janaasada kula tukaday marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Waxayna Alle uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda  bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.