Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalkan Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah tacsi tiiranyo leh ugu diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa  dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.”

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Prof. C/llaahi Maxamad Shirwac.

Ergeyga ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee Prof. Shirwac, isagoo ku tilmaamay, halgamaa waqtigiisa iyo waayihiisa u huray, u dhaqdhaqaaqidda bulshada, gaar ahaan kuwa nugul, wuxuu kaloo ku sifeeyay, inuu ahaa maddaale har iyo habeen u taaganaa dib u heshiisiinta ummadda, dadaale danta guud tiisa ka horreysiiya, gurmade gacansiiya dadka ay argagexisada, abaaraha iyo daadadku dhibaateeyaan, u doode xuquuqda dulmanayaasha iyo daljire u taagan dawlad dhiska.