Madaxda Qaranka oo cambaareeyay weerarkii argagixisadu ka geysatay Xeebta Liido

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falkii argagixisadu ka geysteen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku naf waayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas fulaynimo. Intii dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falka noocan ahi waxa uu ka markhaati kacayaa sida aan argagixisadu xurmo ugu heyn dhiigga muslimiinta, gaar ahaan xilligan oo la galay tobankii u dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.