Madaxda IMF oo sheegay in koboca dhaqaalaha dunida uu ka adkaan doono 2022-kii

Madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in sannadkaan bilowga ah dhaqaalaha caalamka  uu ka adkaan doono  kii sanadkii hore,isla markaana dalalka Maraykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha ay arki doonaan kobac gaabis ah,

Agaasimaha Maamulka IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in sanadka 2023-ka uu noqon doono “sanad adag”, iyadoo saddex-meelood meel dhaqaalaha adduunka ay u badan tahay ama la filayo in uu hoos u dhaco.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii hey’ada IMF saadaall  2.7 ah oo ay bixisay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay uu hoos uga dhacay 2.9 boqolkiiba saadaasha bishii Luulyo ee dhnaca koboca dhaqaalaha xilli ay jiraan xaalado xasaasi ah oo ay ku jiraan dagaalka Ukraine iyo sicirka dulsaarka ee kor u kaca.

Georgieva ayaa sheegtay in Shiinaha, oo ah dhaqaalaha labaad ee ugu weyn adduunka, ay u badan tahay inuu ka hoosmaro kobaca caalamiga ah markii ugu horreysay muddo 40 sano ah ,iyadoo intaa ku dartay in saddexda dale ee ugu  dhaqaalaha weyn  sida US, EU iyo  China, dhamaantood isku mar ay gaabin doonaan.