War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay, isla markaana hambalyo loogu diray go’aanka taariikhiga ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Dastuurka dalka 04/03/2026, kaas oo si rasmi ah meesha uga saaray Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa.
War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri“Tallaabadaan taariikhiga ah waxay ka dhigan tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, una horseedaysa xasillooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, hufnaan iyo nidaam dowladnimo oo dhammaystiran. Hirshabeelle waxay u aragtaa ansixinta Dastuurka mid ka tarjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo waarta iyo adkeynta midnimada qaranka”.
war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Maamulka Hirshabeelle uu bogaadinayo shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowladda oo muujiyay dadaal, dulqaad iyo go’aan geesinimo leh oo lagu xaqiijiyey guushan u soo hoyatay qaranka.
Ugu dambayn, Hirshabeelle waxay caddeysay inay markale garab taagan tahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya, laguna ilaalinayo sharafka, karaamada iyo wadajirka qaranka.

