Madaxda Hay’adda Socdaalka Soomaaliya iyo kuwa Denmark oo yeeshay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kulammo wax ku ool ah la qaatay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark.

Kulamadaasi ayaa looga hadlay wadashaqaynta labadda dal iyo sidii Dowlada Denmark ay uga qayb qaadan lahayd Horumarinta Kaabayaasha adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale kulankaasi ayaa looga hadlay sidii dalka Denmark u aqoonsan lahaa baasaboorka Soomaaliga ah ,gaar ahaan kan shaqada iyo kan dadwaynaha ,iyadoo ujeedku yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku socda sifada sharciga ah loo fududeeyo dal ku galka.

Dowladda Denmark ayaa waxa ay ka mid tahay deeq bixiyeyaasha qaybta weyn ka qaatay horumarinta kaabayaasha iyo adeeg bixinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.