Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo yeeshay kulan lagaga hadlay amniga maalmaha barakaysan ee Ciida.
Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Cabdullahi Cismaan, Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Xuseen Mungaab, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha qeybaha Booliska iyo NISA ee Gobolka Banaadir, iyo Taliyaha Ciidanka Boolis Militaaro ayaa caawa yeeshay kulan muhiim ah oo looga hadlay adkeynta amniga maalmaha dabaal-daga Ciida Carafo.
Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabadgelyada maalmahaan farxadda badan, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la laba jibbaaro dadaallada amniga si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.
Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee u taagan sidii farxad iyo nabad ugu ciidi lahaayeen.