Madaxda Galmudug oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayey maalinta xoriyadda Jabuuti

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galay munaasabadda xuska 47-sano guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka xorowday gumeystihii Faransiiska 27-kii Juun 1977-kii.

Dhuusamareeb waxaa degan qeyb kamid ah Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal oo shacabka iyo dowladda Jabuuti ugu hambalyeeyey maalintaan weyn ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti uga mahadceliyey gacanta walaalnimo ee sugidda amniga iyo xasilinta deegaanada Galmudug ay ka geystaan.