MADAXDA DALKA WEEY KU QANCEEN GUULAHA ISDABA JOOGGA AH EE AY SOO HOOYEEN CIIDAMADA XOOGGA DALKA

Bilooyinkii ugu dambeeyay, waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Khawaariijta, iyagoo waayay maleeshiyaad badan oo si qalad ah loo fahamsiiyay aragtida saliimka ah ee aasaaska u ah diinta islaamka.

Dagaalladii u dambeeyay ee lala galay kooxaha khawaarijta, waxa ay sababeen in argagixisada lagu laayo goobo badan, isla markaana ay la kulmaan dhimasho, dhaawacyo iyo in la qab qabto tiro badan oo maxaabiis ah.

Guulahaas wax ku oolka ah ee lagu jabiyay maleeshiyaadka nabad-diidka ah, waxaa sababay ama ay ku yimaadeen dadaalka wada jirka ah ee ay ku dhaqaaqeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Maamul gobolleedyada dalka shacabka iyo ciidmmada xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa  Ciidammada Qalabka sida ugu hambalyeeyay guulaha isdabajoogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay SH/Dhexe,

Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in  kooxaha khawaariijta laga saaro gabi ahaan dalka, waxayna kula dardaarmeen ciidammada iyo kuwa deegaanka in la sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maanta waxaan aragnaa argagixiso la jebiyey, kuwa la dilay, kuwa dhaawac ahaan loo qabtay oo la daaweynayo, kuwa nolosha lagu soo qabtay oo maxkamadda ciidamada iyo garsoorka loo sii wado), kuwa firxad ah oo xabadda lala dabajoogo, wiilal soomaaliyeed oo si diiran u dagaalamaya iyo madax Soomaaliyeed oo dhiirigelineysa dagaalada ka dhanka ah khawaarijta.

Waxaan aaminsan nahay in la joogo waqtigii ugu dambeeyay ee dhagaheynu ay maqli lahaayeen dhamaadka kooxda arxanka daran ee khawaariijta, maadaama illaa hadda laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay ku sugnaayeen in ku dhow 15 sano.

Cid waloow ka qeyb qaadato ka hortagga fikirka qaldan iyo ficillada guracan ee argagixisada, si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka.

SONNA