Madaxda Dalka weey ku qanceen guulaha isdaba joogga ah ee ay soo hooyeen cidamada

Bilooyinkii ugu dambeeyay ,waxaa aad u kordhay qasaaraha iyo jabka loo geystay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,iyagoo waayeen maleeshiyaad badan oo si qalad ah loo fahamsiiyay aragtida saliimka ah ee aasaaska u ah diinta islaamka.

Dagaaladdii u dambeeyay ee lala galay kppxaha khawaarijta,waxa ay sababeen in argagixisada lagu laayo ggobo badan,isla markaana ay la kulmaan dhimasho,dhawwacyo iyo in la qabto tiro badan oo maxaabiis ah.

Guulahaas wax ku oolka ah ee lagu jabiyay maleeshiyaadka nabad-diidka ah, waxaa sababay ama ay ku yimaadeen dadaalka wada jirka ah ee ay ku dhaqaaqeen madax weyne xasan shiiq maxamuud , maamul gobaleedyada dalka , shacabka iyo  ciidmada xooga dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa  Ciidammada Qalabka sida ugu hambalyeeyay guulaha isdabajoogga ah ee ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,gaar ahaan kuwii u dambeeyay ee ka dhacay SH/Dhexe,

Madaxda Dowladda Soomaaliya,waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in  kooxaha khawaarijta laga saaro gabi ahaan dalka, waxayna kula dardaarmeen ciidamada iyo kuwa deegaanka in la sii wado dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maanta waxaan aragnaa argagixiso la jebiyey ,kuwa la dilay, kuwa dhaawac ahaan loo qabtay oo la daaweynayo, kuwa nolosha lagu soo qabtay oo maxkamadda ciidamada iyo garsoorka loo sii wado), kuwa firxad ah oo xabada lala dabajoogo  , wiilal soomaaliyeed oo si dhiiran u dagaalamaya iyo madax Soomaaliyeed oo dhiirigelineysa dagaalada ka dhanka ah khawaarijta.

Waxaan aaminsan nahay  in la joogo waqtigii ugu dambeyay ee dhagaheynu ay maqli lahaayeen dhamaadka kooxda arxanka daran ee khawaarijta,maadaama illaa hada laga xureeyay dhul baaxad leh oo ay ku sugnaayeen in ku dhow 15 sano.

Cid waloow ka qeybqaado ka hortagga fikirka qaldan iyo ficilada guracna ee argagixisada,si loo gaaro mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka.

SONNA