Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Ingiriiska

uddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta Dowladda UK.

Guddoomiyaha ayaa la kulmay Dr. Rurik Marsden, Ku-xigeenka Agaasimaha Siyaasadda, Bani’aadanimada iyo Iskaashiga ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta Dowladda UK (FCDO), Dr. Ranil Dissanyake, Ku-xigeenka Madaxa Dhaqaalaha,Tim Green Hoggaamiyaha Kooxda Waaxda Falanqaynta iyo Martin Gichuru La-taliyaha Arrimaha Bani’aadanimada.

Kulanka dhinacyadaasi waxaa diiradda lagu saaray xaaladda saadaasha El Niño iyo saameynta ay ku yeelan karto Soomaaliya, xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga ee dhinacyada bani’aadanimada iyo sidii loo sii wadi lahaa qorshayaasha diyaar-garowga iyo ka-hortagga musiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamyada digniinaha hore iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda iyo dhismaha u adkeysiga bulshada, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha, abaaraha iyo khataraha kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.