Madax sar sare oo ka kala socda Maraykanka iyo Shiinaha oo maanta ku kulmi doona Switzerlad

Agaasimaha Xafiiska Guddida arrimaha dibedda ee Guddiga dhexe ee xisbiga shuuciga dalka shiinaha Mr: Yang Jiechi iyo la taliyaha Amniga Qaranka ee dalka maraykanka ayaa maanta ku kulmi doona magaalda Zurich ee dalka Switzerlad.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Shiinaha Hua Chunying ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Yang uu la kulmi doono Sullivan si waafaqsan is afgaradka la gaaray intii lagu guda jiray 10 -kii bishii Sebtember, kadib xiriir Qadka taleefoonka ah oo dhex maray hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.