Madax ka tirsan hay’adda socdaalka oo shir muhiim ah ugu qayb galaya dalka Nayjeeriya

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya uga qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo socday muddo sadax maalmood ah.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD ayaa u jeeddadiisu ahayd in dowladaha IGAD xubnaha ka ah ee ka qeybgalaya ay xog is-dhaafsi iyo khibrad wadaag la yeeshaan dowladaha xubanaha ka ah bulshada dhaqaalaha ee dowlaha Galbeedka Afrika loona soo gaabiyo (ECOWAS).

Xubnaha metelayay dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa fursad loo siiyay in ay wax ka ogaadaan waayo-aragnimada ECOWAS ee dhinacyada hirgelinta siyaasadaha gobolka, dejinta qaab-dhismeedka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka , dhaqaalaha iyo hannaanka loo maamulo socdaalka xorta ah.

Mas’uuliyiinta hay’adda Socdaalka ayaa kaalin firfircoon ka qaatay kulamada iyo shirarka, kuwaas oo khibrada la isku dhaafsaday isla markaana looga wada hadlay mowduucyo ay ka mid yihiin habaynta hay’adaha iyo qaab dhismeedka socdaalka gobolka ee ECOWAS iyo IGAD, qaab-dhismeedka siyaasadda socdaalka gobolka ee Galbeedka iyo Bariga Afrika iyo hirgelinta nidaamyada dhaqdhaqaaqa xorta ah.