Madax ka tirsan Gaashaandhigga oo ka qeyn galay aaska saraakiil ka tirsan ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen.Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxay ka qeybgaleen aas qaran oo muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee taliyihii Ururka 6-aad ee Kumaandooska Gorgor iyo askar kale oo ku Shahiiday Dagaal ka dhacay Shabeelaha Dhexe .

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wado sax ah ay ku bexeen marxuumiintaasi,isla markaana qaranka Soomaaliyeed marna uusan ilaabi doonin  Daljirayaasha  geeriyooday iyagoo ku jira Difaaaca Qarankooda,waxaana uu intaa ku daray  in Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ay sii laba jibaari doonaan .

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen.Biixi ayaa alle ugu baryay marxuumiintaasiin janadii Fardowsa ka waraabiyo,isagoo ehelada iyo qaraabadii ay ka tageenna u rajeeyay samir iyo iimaan