Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo kaashanaysa Hay’adda FAO, Midowga Yurub iyo Mashruuca PLACE, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay madasha wadatashiga ee ka-qaybgelinta bulshada, ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed ee horumarinta wax-soo-saarka iyo ganacsiga xoolaha.
Madashan oo ay ka qaybgaleen madaxda waaxyaha Wasaaradda, wakiillo ka socday maamullada dowlad Goboleedyada, Hay’adda FAO, bangiyada dalka, dhakhaatiirta xoolaha iyo ganacsatada, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya horumarinta iyo kobcinta wax soosaarka xoolaha.
Intii ay socotay madasha, waxaa lagu soo bandhigay bandhigyo iyo falanqaynno la xiriira xaaladda xoolaha Soomaaliyeed, caqabadaha hortaagan horumarkooda, fursadaha maalgashi iyo doorka ay hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatadu ka qaadan karaan kobcinta wax soo saarka xoolaha.
Sidoo kale, wadatashiga ayaa fursad u siinaya ka qaybgalayaasha inay soo bandhigaan aragtiyahooda, waayo aragnimadooda iyo caqabadaha ay kala kulmaan hawlaha la xiriira xannaanada, caafimaadka, wax soo-saarka iyo suuq geynta xoolaha, si loo helo talooyin wax ku ool ah oo wax ka tari kara horumarinta guud ee sektarka xoolaha.
Wadatashigan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno iyo talooyin wax-ku ool ah oo gacan ka geysanaya xoojinta iskaashiga, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.











