Madasha Horumarinta Soomaaliya oo goordhow Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah waxaa ka furmay Madasha Horumarinta Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan wasiirro,xildhibaano iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo Dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib, waxaana soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan oo ka hadlay madasha ayaa ku  bogaadiyay Macahadka Heritage iyo Jaamacadda City dowrka weyn ay ku leeyihiin dowlad dhiska.

“Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahayn.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Bixi Iimaan Cige

“Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage, Mudane Mursal Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya”.