Wasaaradda Waxbarashada Dalka ayaa diyarisay macallimiin gaaraya illaa iyo Seddax kun =3000 macallin ah kuwaas oo loo qeybin doono gobollada dalka marka ay dhammaato imtixaanka lagu hubinaayo heerka aqoontooda waana markii ugu horreysay oo ay wasaaraddu isku daydo in ay soo saarto macallimiin taya sare leh oo waxbarashada dalka anfaca waana arrin muhiim ah oo haddii aysan jirin aqoon dalkeennu ma gaarayo horumar waxaana wax horumariya waxbarashada waxaa kale oo wax lagu difaacaa aqoonta ay leeyihiin dadka waddaniga ah ee u dhashay dalka.
Sidoo kale, Macallinku waa furaha lagu furo maskax kasta oo qufulan macallinku Waa kan keliya ee loo soo tababaray in uu la dagaallamo jahliga wuxuuna ka soo billaabaa Alif wuxuuna ku ekeeyaa Ya, meesha ugu hooseysa Maskaxda dadka
wuxuuna soo barbaariyaa oo maskaxdoodu bedeelaa arday kolkii hore ay maskaxdoodu madoobeyd ayuu u beddelaa maskax iftiimeysa oo burqaneysa cilmi, wuxuuna had iyo jeer halgan ugu jiraa in uu aqoon siiyo ardayda loo keeno mid yar iyo weyn kana badbaadiyo jahliga iyo cilmi la’aanta dalka.
Dalka soomaaliya wuxuu lahaan jiray wasaarad waxbarasho iyo macallimiin tayo leh iyo buugaag loogu talagalay in ardayda wax ka bartaan wasaaradduna waxay laheyd guddoon wax barasho oo u dooda xaquuqda macallinka iyo ardayga.
haddaba diyaarinta macallimiintu waa tallabo horumar leh oo ay wasaaraddu ku tallaabsatay xilligaan la joogana waxaa loo qabay baahi xoog leh macallimiin ku filan waxbarashada dalka, waxaa farxad inoo ah waxbarasho ay dowladdu xukunto oo mideysan magac iyo taya ku leh adduunka waayo waxaa laga aamminay dadka soomalida in ay yihiin dad kasameysan foowdo oo waraaqo been abuur ah iska wata.
guud ahaan dalka soomaaliya waxaa ku yaalla jaamacado iyo dugsiyo sare iyo hoose oo xilligii burburka ay sameeyeen macallimiin is xilqaamay oo jeebkooda isku deyey in ay dadka waxbaraan waayo xilli kasta oo ay joogaan iyo meel kasta oo ay joogaan way ku guuleysteen in ay arday badan wax baraan laakiin ma jirin dowlad iyo maamul laga dambeeyoo ay ku tiirsan yihiin waxbarashada xaafadaha iyo guryaha ay kireysteen macallimiinta dadaalay oo jeebkooda iska xilqaamay laakiin waxaa guul iyo mahad Alla ah.
haddii maanta wasaaradda waxbarashada ay si toos ah ula wareegeen macallinka iyo waxbarashada waa guul usoo hooyatay ummadda soomaaliyeed.
sidaas awgeed soomaaliyeey hallagu dadaalo aqoonta iyo waxbarashada
meel kasta oo aad joogtaan, ogoow cilmigu waa hoggaanka kaa leexiya ama kaa duwa waddaada xumaanta.
WQ: Abwaan C/salaam Gabayre