Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago abaalmirin ah”

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo saaka u waramaayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ruux kasta oo soo gudbiya xogta kooxaha khawaarijta ee falalka amni darada ka wada caasimadda la siin doono lacago abbaalmarin ah ,isla markaana la damaanad qaadi doono amnigiisa.

Taliyaha ayaa si gaar ah u tilmaamay in dadka soo sheega xogta qarsan ee Al-Shabaab iyo kuwa hoobiyaha ka rida daafaha magaalada lagu abbaalmarin doono lacag gaaraya Soddon kun oo doolar (30.000).

Taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka banaadir,waxa uu ka dalbaday bulshada in ay kala shaqeeyaan soo celinta amniga,isla markaana xil la iska saaro sidii loo soo qaban lahaa cid kasta oo wadda falal amni darro ah.