Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda umadda ee kuliyadda qanuunka oo Kulan casho sharafeed ah qabsaday

Munaasabad casho Sharafeed ah oo ay u sameeyeen ardeyda kuliyada Qaanuunka ee dufcada B6 Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa si qurux badan uga dhacday Muqdisho

Qaar kamid ah Ardayda oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf uu tahay in macalimiintooda waqti macasalaameyn iyo mahad celin la qaataan.

Macalimiinta ayaa Ardayda kula Dardaarmay in ay dabaqaan sharuucdii kala duwanaa ee ay barteen maadaama ka mid yihiin intooda badan masuuliyiin iyo howlwadeeno ka kala tirsan saddexda hay’adood ee dowladda.