MAAREEYE KU XIGENKA HTS MARWO SUBAN ABDI NUR GAAS OO KA QEYB GASHAY SHIRKA MAALGASHIGA DHAQAALAHA BULUUGA SOOMAALIYA.

Mareeye ku xigeenka Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Abdi Nur Gas oo ay wehliyaan qaar Ka tirsan Agaasime waaxedyada hay’adda ayaa Ka qeyb galay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha Maalgashi ee kheyraadka baddeena.
Inta uu socday Shirka Maalgashiga dhaqaalaha Buluugga waxaa lagu soo bandhigay doodo looga hadlaayey dhaqaalaha. hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed waxaa dooda ugu qeyb galay Agaaasimaha Waaxda Halbeegyada Mudane Ahmed Sheikh Abdinuur (Maxbuub) wuxuuna ku soo bandhigay shirka fursadaha ganacsi ee dalkeena Ka jira dowrka HTS ku ledahay iyo in hay’adda ay Ka shaqeyso in ay siiso ganacsatada Shaadada iyo Astaanta tayada, taas oo u fududeneso in ay badeecadooda u dhofsadaan suuqyada dibada si toos ah, Si looga maarmo in wadan kale u maraan helida shahaado aqoonsi.