Maareeyaha hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo shir caalami ah uga qaybgalay Sucuudiga

Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa ka qeyb galay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-25), taas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), waxaana lagu qabtay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga.

Madashan oo socotay saddex maalmood ayaa isu keentay madaxda hay’adaha isgaarsiinta ee caalamka, iyagoo is dhaafsaday waayo-aragnimo iyo habraacyadii ugu dambeeyay ee la xiriira nidaaminta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Intii uu socday madasha, Mudane Mustafa waxa uu ka qeyb galay dood cilmiyeed heer sare ah oo ay la wadaageen wakiillo ka socday dalalka Sacuudiga, Turkiga, Maraykanka, iyo Koonfur Afrika, taas oo looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa mustaqbal dhijitaal oo waara. Dooddu waxay diiradda saartay sida xeerarka iyo nidaamintu u xoojin karaan adkaysiga cimilada iyo hubinta in bulshooyinka si siman u helaan adeegyada dhijitaalka ah.

Hadalkiisa, Mudane Mustafa waxa uu ku muujiyay saddex mudnaan oo waaweyn: in la helo xog lagu kalsoonaan karo oo danta guud ah iyadoo la ilaalinayo asturnaanta; in shabakadaha ay sii shaqeeyaan marka ay jiraan xaalado degdeg ah; iyo in la dhimo kharashaadka si bulshada oo dhan uga faa’iideysato adeegyada dhijitaalka ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay sida xogta taleefannada gacanta ee qarsoodiga ah (anonymised mobile data) loogu adeegsaday in lagu taageero gurmadka daadadka Soomaaliya.