Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda kubadda cagta Dekedaha, kuwaas oo ka ambabaxaya dalka si ay uga qeybgalaan tartanka CAF – Confédération Africaine de Football oo ka dhacaya dalka Keynnya.

Kulanka sagootinta ayaa lagu muujiyay taageero buuxda oo maamulka dekeddu u hayo kooxda, iyadoo Maareeyuhu ku boorriyay ciyaartoyda in ay si sharaf leh u matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya.

“Kooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go’an in aan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Nuur.

Danjiraha oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda, ayaa sidoo kale dib u xusuustay waayo-aragnimadiisii isagoo ahaa Safiirkii Soomaaliya ee Kenya, gaar ahaan xilli xulka qaranka Soomaaliya uu booqday magaalada Nairobi.

Wuxuu xusay in si weyn loo abaabulay taageerada jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay xulka iyo koox Kenyan ah ay ku dhammaatay barbaro 1-1 ah.
Falcelinta shacabka iyo warbaahinta Kenya ayaa ahayd mid lama filaan ah.

“Wargeysyada Kenya waxay maalintii xigtay qorayeen faallooyin muujinaya yaabka ay ku qabaan sida taageerayaashu u buuxiyeen garoonka. Waxaa laga dhahay: ‘Halkaan ma Nairobi baa mise waa Muqdisho?’,” ayuu yiri Maareeyaha.

Danjiraha Cali Ameriko ayaa muujiyay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay had iyo jeer u garab taagan tahay xulka qaranka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duubnida iyo taageerada wadaniyeed ee lagu garab istaago ciyaartoyda mataleysa Soomaaliya.