Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka, mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa xilka u kula wareejiyay Mareeyihii hore Xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdifataax Cabdi Nuur iyo Maareeyaha cusub ee Xarunta mudane Cabdiqaadir Faarax.
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Mareeyihii hore ee Xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah mudane Cabdifataax Cabdi Nuur uga mahad celiyay shaqadii wacnayd ee uu soo qabtay, isagoo Maareeyaha cusubna u rajeeyey in alle shaqada u fududeeyo.