Kowda luuliyo waa maalin waa cusub u baryay umudda soomaaliyeed, Waa maalintii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobollada waqooyi, waa maalin ay maataneysay hasheenna maan deeq, halkaasna ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya,
waa maalin bulshada ay u tahay maalin ay weyneeyaan, waa maalin ay isku soo baxyo sameeyaan dhamaan umadda soomaaliyeed oo ay iskugu jiraan odayaal, haween, dhalinyaro iyo caruurta oo iyaga qudhooda loogu soo labiso dhar kasameesan calanka buluugga si loo sameeyo dabaal dagyo waaweyn oo lagu xusaayo kowda luuliyo,
Sidoo kale kowda luuliyo waa maalin bulshada ay siweyn u qadariyaan ayaga oo sameesanyaan xaflado, fantastiyo, masraxyada oo lagu soo bandhigo heeso katarjumaayo maalimaha xoriyada ee kowda luuliyo, sidoo kale gabayo katar jumeyso kowda luuliyo ayaa lagu soo bandhigaa masraxyada oo ay iskugu imanayaan kumanaan bulshada qeybaheeda kaladuwan ,
Sooyaalka Taariikhda Halganka Soomaaliyeed.
Halgamaayaashii kasoo qeyb qaatay xornima udirirkii jamhuuriyada soomaaliya waxaa kamid ahaa ururkii (S.Y.L) in kastoo ay jireen halgamayaal badan balse waxa aan soo qaatay ururka (S.Y.L) oo iyaga qeyb ka ahaa dhaq dhaqaaqii guumeysi ladirirkii Somalia.
12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L waxay guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal u saartay inay alifaan ama hal abuuraan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay oo hal abuurkiisii la qaatay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.
Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu ka kooban yahay, Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.
24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud,taasi gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.
Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfurta ee talyaaniaga gumaysanayay iyo waqooyi oo uu gacanta ku hayay Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in ay midoobaan lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.
26kii juun 1960kii waxaa beerta xoriyadda ee magaalada Hargaysa laga suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah ee laga taago ciid Soomaliyeed, waana habeenkii uu marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde ka mariyay goobtii Calansaarka Gabaygii Taariikhda galay ee ahaa Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar).
Haddaba maxay uga dhigan tahay bulshada Soomaaliyeed ee nool Qarnigan kow iyo labaatanaad (21 Centure) kowda luuliyo.
Waxa ay uga dhigan tahay bulshada soomaaliyeed ee kunool woqooyi, koonfur iyo Qurba joogta waa maalin ay faraxsan yihiin oo ay isku dirayaan dhanbaalo habalyo ah ee kowadda luuliya, sidoo kale waa maalin ay iska qaadeen heeryadii gumeeystihii talyaaniga ee qabsaday koonfurta soomaaliya, Waa maalin ay midoobeen woqooyi iyo koonfur.
Waa maalin ay siweyn ay u weyneenaan, u qadariyaan bulshada soomaaliyeed,waana maalin ay siweyn ay ugu dabaal dagaan.
Sidoo kale waa maalin meel walbo ay calanka soomaaliya laga taago oo gayiga soomaaliya.
Waa maalinta ay fasax yihiin xafiisyada dowladda, goobaha waxbarashada sida iskuulada(school), jaamacadaha (university) dugsiyada quraanka, waxaana ay bulshada ay iskugu imanayaan fagaarayaasha waaweyn, hotelada, tiyaatarka qaranka garoomada kubada cagta iyo gooba kale oo badan.
ugu danbeen dalka waxaa ka muuqdo ifafaalo muujinaayo hormar dowladeed, hormar bulsho iyo hormar dhaqaale taasi oo lasaadaalinaayo in soomaliya ay noqon doonto dal qani ah oo kheyraadkiisa ku tiirsanin
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan