Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda dhinaca Gargaarka ah, xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wax looga qabanayo arrimaha bani’aadannimada ee deegaannada Waqooyi Bari.

