Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Guddigaan oo isugu jiray Xildhibaanno,wasiirro iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ee Hirshabeelle ayaa booqday cisbitaalka Martiini,halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee la doonayo in lagu sifeeyo kooxaha khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya halkaasi.
Guddoomiyaha Guddigaasi Maxamuud Xuseen Bile oo horkacayey xubnaha Horshabeelle ayaa ku baaqay inĀ Dowladda Federaalka ah ay gurmad caafimaad oo degdeg ah u fidiso illaa 3 ruux oo kamid ah ciidanka bukaanka ah ee ku jira cisbitaalkaasi.