Maamulka Hirshabeelle oo bilaabay qorshaha dhismaha Dekado ganacsi

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed oo la hadlay SONNA ayaa bogaadiyey dhammeystirka xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe, wuxuuna sheegay in Wasaaraddu ay bilowday qorshaha sahminta Dekado ay yeelato Hirshabeelle.

Wasiir Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaannada ay horey ugu dhuumaaleysanayeen argagixisadu ay ku jiraan goobo badan oo laga hirgelin karo dekedo ganacsi oo qeyb ka noqdo ganacsiga iyo horumarka deegaanka, sidoo kale, dekedo kalluumaysi oo kalluunka laga dhoofiyo, maadama aysan dalka ka jirin.

“Qiimeynta hor-dhaca ah ee ay waddo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle waxaa ka soo baxday in deegannada la xoreeyey ay qaarkood ku habboon yihiin in laga dhiso dekekdo, kuwaas oo ay ka jirto fursado maagashiga, door weynna ka qaadan doona ganacsiga Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.”

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Maxamed Axmed ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo ganacsatada Hirshabeelle in ay qeyb ka noqdaan qorshahan isku-tashiga ah ee dhawaan la soo bandhigi doono, isagoo xusay in Hirshabeelle ay maanta u gudubtay marxaladdii ka danbeysay dhammaadka Alshabaab, taas oo ah horumar iyo wax-wada qabsi.