Maamulka gobolka Gedo oo faah faahin ka bixiyay weerar ay argagixisada ku dishay toban qof

Maamulka gobolka Gedo ka warbixiyay dhacdadii kooxda argagixisada Al-shabaab dad rayid ah oo ceel ka qodayey deegaanka Girileey ay ugu geysteen xasuuq maalintii shalay, xilli dadka deegankaas ku nool ay baahi weyn u  qabeen ceelbiyoodkaas.

Guddoomiyaha  gobolka Gedo Ahmed Buula Garad ayaa sheegay in dad gaaraya toban qof oo isugu jiro Soomaali ah iyo Kenyaati, ay kooxda argagixisada Al-shabaab dileen kadib markii ay weerar ku qaadeen, waxayna  Ceel-biyood ka qodayeen deegaanka Garileey ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Dadka u gargaaraya dad masaakiin ah in meeshaasi lagu laayo waa arrin foolxun oo wax-garatada Al-shabaab lagu yaqaano,” ayuu yiri guddoomiye Buula Garad.

Maleeshiyada Al-shaabaab ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay howlgalada ka dhanka ah ee ka socda dalka, kaas oo looga saaray deegaano badan oo shacabka ay ku dhibaateyn jireen.