Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray sidii loo kaalmeyn lahaa dadka abaaraha ka soo barakacay

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga ka jawaabista Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ugu hadleen xaaladaha abaarta dalka gaar ahaan saameynta ay ku yeelaneyso Gobolka Banaadir iyo sida loo qorsheyn karo howlaha gargaar ee la siinayo dadka kusoo barakacay Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa shirkooda ku sheegay in usbuucyadii lasoo dhaafay ay soo gaareen xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir dad farabadan oo kasoo barakacay Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan ku howlanaa shaqooyin ay ka mid tahay gacansiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale xiriirinta, kor-joogteynta dhamaan Howlaha gargaar bixinta ee ka socda Gobolka Banaadir.