Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ee Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo Degdegga ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso Doorasho Maalinta Berri ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay Gaadiidka Dab-Damiska, Ambalaasyada iyo Shaqaale Tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo Dadbaadada Shacabka Caasimadda ee Doorashada u diyaarsan.
Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale Muwaadiniinta ku baraarujiyey Lambarka Gaaban ee Gurmadka Degdegga ee 991, kaasoo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan Gargaar degdeg ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay Adeegga iyo Daryeelka Shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay Bulshada Muqdisho inay si Nabad ah, oo Masuuliyad leh uga qaybqaataan Doorashada Maalinta Berri ah ka dhaceyso Muqdisho.
Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.


