Maamulka Gobolka Banaadir oo dhir kala geddisan ku wareejiyay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka

Agaasimaha Waaxda Dhireynta iyo Jardiinooyinka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Marwo, Kheyrto Aweys Shariif ayaa dhir kala geddisan ku wareejisay maamulka Degmooyinka Waaberi, Hodan, Cabdicasiis, Shingaani, Howlwadaag, Kaxda, Wadajir iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Dhirtaan ayaa loogu tala galay in lagu beero Xarumaha Degmooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho si ay qeyb ugu noqdaan Qorshaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu horey u daahfuray ee ah Soomaali Cagaaran.

Sidoo kale Dhireynta Magaalada Muqdisho iyo in ay noqoto Magaalo Cagaaran ayaa waxa ay qeyb ka qaadaneysaa bilicda Caasimadda iyo wax ka qabashada isbadalka cimillada ee Adduunka saameynta xooggan ku yeeshay.