Maamulka gobolka Banaadir oo balaarinaya mashaariicda Leerarka Cadceeda ku shaqeeya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray wadada Janaraal Daa’uud iyo Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere oo ay Dowladda hoose Xamar ka hirgalisay Leerarka Cadceeda ku shaqeeya.

Mashruucan lagu hirgaliyay Leerarka Cadceeda ku shaqeeya ayaa ah mid lagu muujinayay bilicda Wadooyinkaasi, sidoo kale hirgalinta Leerarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta sugida nabadgalyada,

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay madaxda qeybta howlaha guud ee dowlada hoose Xamar in ay dardargaliyaan balaarinta mashraariicda lagu hirgalinayo Leerarka Cadceeda ku shaqeeya.