Maamulka gobolka Banaadir oo awaamiir kusoo rogay gaadiidka waaweyn

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amar adag kasoo saaray Baabuurta xamuulka ah ee ku xad gudubta bilicda wadooyinka Caasimadda gaar ahaan Baabuurta Sidda Qashinka iyo agabyada dhismaha.
Agaasimaha guud ee Bilic soo celinta iyo Nadaafada gobolka Banaadir Sharmaarke Cadow Tuuryare oo Shir jaraa’id qabtay ayaa Warbaahinta la wadaagay amarka soo baxay.