Maamulka Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha laamaha ammaanka oo ka wada hadlay xoojinta nabadgelyada Caasimadda

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta Amniga Caasimadda la qaatay Taliyaasha  Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le Sare Mahdi Cumar Mumin (Macalin Mahdi) iyo taliyaha hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir, Muxyadiin Warbac Shadoor.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta sugidda nabadgelyada Caasimadda, gaar ahaan xoojinta howlgallada looga hortagayo dhagarta Khawaarijta iyo la dagaallanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta bulshada.

Kusimaha Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yabooh ayaa ku amaanay Ciidamada Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda Amniga Magaalada iyo badbaadinta shacabka.