Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa degmada Bollnäs ee dalka Sweden oo ka wada hadlay iskaashiga labada Magaalo

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo safar shaqo ku jooga dalka Sweden ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Bollnäs Mudane Cabdullaahi Cadaan iyo Kuxigeenkiisa.

Kulanka ayaa loogu hadlay Arrimo ay ka mid yihiin; Iskaashiga Labada Magaalo ee Muqdisho iyo Bollnäs ee dhinacyada Qorsheynta Magaalada, helida Muqdisho Cagaaran si loogu hortago waxyeelada wasaqowga hawada iyo isbedelka cimillada, Maareynta Qashinka iyo Tababarida Xoogsatada Kalluumeysiga si loogu faa’ideysto kheyraadka iyo wax soo saarka dalka.