Maamulka Degmada Baxdo iyo Taliska Ciidanka oo xog dheeraad ah ka bixiyay weerarkii shalay

Maamulka Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo taliska ciidamada ayaa faa faahin dheeraad ha ka bixiyay dagaalkii shalay kooxda argagixisada ay ku soo qaadeen degmadaas, halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa iska caabin xooggan kala hortagay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo la soo qalday, halkaasina ku gaarsiiyay khasaaro xooggan, waxaana weerarkaas maleeshiyada looga dilay ku dhowaad 70-maleeshiyaad.

Taliye ku-xigeenka ciidamada madaxtooyada oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse ayaa dhankiisa sheegay in ay hayaan meydadka dad ajaaniib, kuwaas oo qeyb ka ahaa weerarka, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaa JFS Mudane Xasan Sheik Maxamuud in shacabka reer Baxdo laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka a argagixisada Al-Shabaab.

Khasaaraa soo gaaray kooxda Al-Shabaab ayaa ah kii ugu badnaa ee la gaarsiiyo intii lagu dagaalamayay gobolada dhexe ee dalka.