
Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusaayay sanad guuradii 12-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi Baarista ee Ordugan.
Xafladdaan oo sidoo kale ay ka weybgaleen Safiirka Turkiye ee Soomaaliya iyo kuwo kale waxaa ka hadlay Wasiirada Waxbarashada,Dekedaha iyo Dastuurka,kuwaas oo ka warbixiyay ahmiyadda uu cisbitaalkaasi u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaatay badbaadinta shacabka.
Sidoo kale xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay xildhibaan Prof Dufle iyo kuwo kale,iyagoo soo hadal qaaday taageerada Dowladda Turkiga iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa xafladdaasi hadallo warbixin ah oo la xiriira aasaaska cisbitaalka Erdogan iyo howlaha kala duwan ee uu qabto hallkaasi ka soo jeediyay Agaasimaha Cisbitaalkaasi Maxamed Xuseen Ashraf.

