Maamulihii iskuulka Deyniile oo saaka qarax lagu dilay

Alle Ha u naxariitee Maamulihii iskuulka Deyniile ayaa lagu dilay qarax ka dhacay wadad laamiga ah ee degmadda Dayniile.

Marxuum Daahir Xasan Tooxow (Daahir Dig Digle) ayaa sido kale ka mid ah nabadoonada iyo waxgaradda kasoo jeedo Degmada Dayniile.

Maamulka Degmada Deyniile oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay Maamulaha Iskuulka Dayniile Nabadoon Daahir Dig Digle uu ahaa miinada soo boodada ah ee wadad qarkeeda la dhigo.