Maalinta dhimirka oo laga xusay Muqdisho

Munaasbadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka Adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka Drs Fawziya Abikar Nur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Abdinasir Mukhtar Ibrahim,  Senator Dr Dufle, Agaasimaha Wasraadda Dhalinyaradda,  Agaasimaha Waxaad Caafimaadka Maamulka Gobolka Banadir,  xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra, iisul Wasaaraha,  Gudoomiyaha Culimada Soomaaliyeed, Gudoomiyaha xarunta Dhimirka Dr Xabeeb,  Madaxda ururada Caafimaadka,dhaqaatiirta Soomaaliyeed,iyo Hay’addaha Caalmiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya iyo Bulshadda rayidka.

Waxaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka sanadkan diirada lagu saaray dhibaatooyinka keena xanuun ku dhaca Caafimaadka Dhimirka iyo sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo waxyeelada keeno dhibaatada Caafimaadka Dhimirka.

Maanta oo ay ku asteysan tahay 10 October, waxay ku beegan tahay maalinta dhimirka adduunka, sanad walbana maanta oo  kale waa laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka ku yaalla.