Maalinta dalxiiska Adduunka oo laga xusay Muqdisho

Wasaaradda warfaafinta dhaqanka Iyo dalxiiska XFS ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku qabatay munaasabad ku saabsan maalinta dalxiiska Adduunka.

Munaasabaddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Mudane; Da’ud Aweys Jaamac, Agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa leh goobo badan oo dalxiiska ku wanaagsan waxaana munaadabaddan lagu soo bandhigay goobo qurux badan oo lagu tala jiro in laga faa’ideysto dhawaan.