Ingiriisku markuu dhulweynaha Soomalida ku wareejinayay Ethiopia (1954) hababkii uu adeegsaday waxa ka mid ahaa;
- In xabsiyada laga buuxiyo dadka indheergaradka Bulshada
- In Colaado Qabyaaladeed la dhex dhigo dadka Soomaliyeed, si dhulkaa loo wareejiyo waxa colaado ay weheliyaan dagaalo qabyaaladeed oo aan kala Joogsi laheyn laga bilaabay dhulka Howdka ah, arrintaasi si weyn ayay ugu hirgashay Ingiriiska iyo Xabashida oo markaa damacoodu ahaa inay la wareegaan Dhulka Soomali Galbeed.
Ku darsoo Ingiriisku si uu u bilaabo wareejinta dhulka wuxu xabsiyada u taxaabay Waxgaradkii bulshada, si aanay bulshadu ugu baraarugin waxa ka dhacaya dhulkooda, ragii arrintaasi darteed loo xiray waxa ka mid ahaa Gabyaagii weynaa ee Xaaji Aadan Axmed Afqalooc (AHN), gabyaaga markii la xiray si Bulshada u tuso shirqoolka Ingiriisku la damacsan yahay ee dhulka Soomaliyeed lagu dhaxal wareejinayo, looguna gacan galinayo Gumaystaha Ethiopia waa kii lahaa;
Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene
Amxaarada iyo gaaladu tashade inaad abaadaane
Afcas baa miyiga loo faraqay laysku aayiro’e!.
71 Sanno kadib Markii Ingiriisku Ethiopia si sharci daro ah ugu wareejiyey Dhulka Somali Galbeed, Ethiopia waxay qorshaynaysaa sidii ay ku heli lahayd Bad iyo Deked ay iyadu leedahay, si ay taasi u gaarto waxay qorshaynaysaa talaabooyin la mid ah kuwii waagaa hore, waxay bilowday in dadka waxgaradka bulshada loo xir xiro, sidoo kale bulshada la isku diro oo arrinta laga dhigo mid u dhaxeysa (Somaliya iyo Somaliland).
Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka, isagoo ugu baaqay Shacabka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.
” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, waxay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.
Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkaasi ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda Waxbarashada F-PENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta Waxbarashada dalka, wuxuuna ku ammaanay dalladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista Waxbarashada, waxaa kaloo uu tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu maanta mar kale soo hamiyo, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.
Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliyeed, waxaana jirta in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ay ka wada hadleen sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.
Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Ujeeddada kulanka ayaa aheyd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.
Ku darsoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaoo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in falkaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed uu ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada laheyd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyimaadeen damaca liita ee Itoobiya.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhinaca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeelneyso Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.
Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageerayo dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ah xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.
ku darsoo Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya. Odayaashan oo qeyb ka ahaa kacdoonka shacabka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan, waxayna intaa ku dareen in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambeyn doonto sida Falastiin iyo Yuhuudda oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.