In kastoo Gu’yaal iyo Gu’yaal laga joogo haddana ma aha wax si fudud lagu iloobi karo xorriyaddii laga qaatay Gumeystayaashii reer Yurub waxaana xusuusan doona jiilba jiilka ka sii dambeeya si ay u kala dhaxlaan waxna ay uga ogaadaan.
Way mudan tahay in Sannad kasta loo sameeyo Ubax-dhig iyo Dabaaldegyo fantasyo badan oo lagu soo dhaweenayo Maalintii Xorriyadda waana astaan qaali ah oo sharaf Soomaaliyeed aysan ka horreeynin.
Akhristayaal haddii aan idin xusuusino dhibaatadii Gumeystaha Talyaaniga iyo Engriiska oo ay kala gumeysanayeen Gobollada Waqooyi iyo Koonfur dhaqamada xun ee u kala gaar ahaa mid waliba wuxuu lahaa xeelado iyo farsamooyin uu wax ku gumeysto oo u gaar ah.
Gobollada waqooyi wuxuu barey Engriisku qabyaalad, dhul-goosi oo loo yaqaano soohdinta oo wali ku dambeysa Soomaalida dhexdeeda iyo awood isu sheegasho sida loo kala xoog badan yahay la isu xoog sheegto.
Madaxda Ingriiska oo ka talinaysay dhulka Soomaalida waxay ku amri jireen in asiga iyo xaaskiisa iyo alaabtiisaba la xambaaro laguna geeyo Magaalada, xoolaha ay rabaana waa loo qali jiray habalaha Soomaaliyeed middii ay doonaan ayeyna ka xeysan jireen iyaga oo cidna uga amar qaadan ayey ku amri jireen dadka Soomaaliyeed oo ay gumeystaan.
Waxay kaloo iska qalan jireen Xoolaha Soomaalida neefkii ay doonaan ayena dhihi jireen hanaloo keeno, waxa ay rabaan ayey iska qaadan jireen.
Haddii aan u soo laabano dhinac Koonfureed ee uu Talyaanigu gumeysan jiray waxaa uga sii darnaa dhaqamadiisii xumaa inuu dadka Soomaaliyeed uu ka dhigan jiray buundooyin uu uga gudbo biyaha asigoo isdul saari jiray tiro dad ah si ay ugu noqdaan boonto isaguna aysan uga qooyan kabaha iyo dharka uu sito dad badan ayaana ku naf waayey arrintaas qaabka daran ee ciqaabta ah oo uu sameyn jiray Gumeystuhu waxaana ka mid ah meelaha dadka ay ku naf waayeen keliga lagu magacaabo Keli Asayle.
Waxaa kaloo intaa u sii dheer wuxuu leyn jiray dadka caaqiliinta ah iyo Culimaa’udiinta iyo geesiyaasha halka adag ee aan Alle mooyee cid kale aan ka cabsan ee geesiyaasha ah, waxaa ka mid ah meelaha dadkaas lagu laayey: Shabeellada hoose, Gobolka Banaadir, Shabeellada dhexe, Gobollada dhexe oo ay u bixiyeen Farooje.
Soomaalida wuxuu ku ugaarsan jiray Masaajidda dhexdooda iyo meelaha lagu shiro ee dadka ay isugu yimaadaan asigoo adeegsanaya kuwo jaajuus u ah oo Soomaalida ka mid ah kuwaasoo u keeni jiray xog walboo ay u baahan yihiin.
Si kastaba ha noqotee nolosha Soomaalida waxay soo martay gumeysiga noocyadiisa kala duwan waxaana ka mid ahaa Dhul-goosi, is adoonsi oo ah heerka kala iibsiga dad badan ayuu dibadaha u qaatay oo aan dib loo arag maadaama uu gumeysan jiray Engiriiska Waddamo badan oo Caalamka ka mid ah qof walbo meeshii uu geeyey ayuu uga tagey taa ayaana sababtay in la waayo dad badan oo waddamadooda laga qaaday meelo kalena loo raray.
Mar haddii aan ka baxnay gacantii gumeysiga waa cusubna uu noo baryey beegsanaynan dabeysha xorrnimada iyo horumarka adduuyada ee xornimada ku saleysan waddankuna uu hadda leeyahay aqoon yahan caalamka iyo sida loogu dhaqmo wax ka fahamsan iyo Culimaa’udiin ku xeel-dheer Diinta Islaamka looma baama baahna inaan wada wax qabsanweyno sababtoo ah waddo ayaa dhul lagu maraa aqoontuna waa waddo waxayna keentaa is maqal iyo wada tashi waayo addoomada Muslimka ah Ilaahay wuxuu leeyahay toosanaada oo tashada waad guuleysaneysaane, waxaase wali inoo muuqanaya kuwo badan oo kalsooni daro qaba fahamsan keliya siduu dilaal ugu noqon lahaa shisheeyaha ee aan fahamsaneyn siduu hogoon ugu noqon lahaa dalkiisa si asiga uu dilaal loogu noqdo una ahaado mid sharaf iyo karaamo leh.
Sida aan ognahay haddii lag xoroobo cadowga oo uusan kuu muuqan wax cadow ah oo ku heysta waxaa kula jooga oo talo kaala dhexeysaa kuwo maskaxda aan ka xoroobin kuna jira habeen madow oo mugdi ah adna aad u heysato dad wax arka oo iftiin fadhiya laakiin ma aha.
Haddaba maqaalkeena waxaan kusoo gabo-gabeynaynaa tix suugaan ah oo uu tiriyey Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre wuxuuna yiri abwaanku asigoo cabiraya darreenkiisa sidatan:-
Waxay tahay Dowlidnimo, anigoon hoos u daadageyn, haddaan dusha kaaga maro waxay tahay Dowlidnimo cirkoo maalmahaa da’oo, Dhulkuna wada dibaaxiyey, oo doogga iyo cowska dareemada dushaa taal, mirihiim ka soo da’ay dacalka isa saaren, ama doonyo raranoo ganacsiga duceysani dusha qalab ka saareen, guri lagu dakeeyiyo Dowlidnimadu waa Nabad, Dowlidnimadu waa Sharaf waa gogol dugsoonoo dadku u siman yahay, colaaddu waa damiinimo waa dib u dhac gooni ah, waa daruufo xoogliyo duufaan dhaceysiyo dibin daabiyo ciil, waa daano iyo cudur jahligaa ku diirsada, haddaan Dowlidnimo iyo dugsi nabadi taaliyo, daryeelkaa bulshada iyo waa dagel barwaaqa ah,waa daasha daashiyo nabad lagu dakeeya,a dowladnimada waa saas isku duubni shacabkoo, danta guud ilaaliya ogow nabaddu waa daah.
Akhriste haddii aad ogaatay dhibaatada ay colaadda ay leedahay iyo waxa keena colaadda waa in aad ka fogaataa wax kastoo keeni kara colaad ama abuuri kara tuhun iyo in ay dadka ay kala fogaadaan isna aamini waayaan, waxaana ka mid ah af xumada, qabyaaladda, eexda iyo nin jacleysiga ku dadaal wanaagga iyo isku duubnida.
Caddaaladda ayaa ugu horeysa waxa bani’aadamku isku jaclaado naceyb iyo kala fogaashana waxaa keena caddaalad darro eex iyo nin jacleysti boob hanti-yadeed iyo maamul-xumo. Meel kastoo aad joogto mudane hagaaji codkaaga iyo camalkaaga soona jiido afkaarta kaa fog iyo kuwa war-xumo tashiilku uu beebtu usheego dulqaadka badi aad guulaysatide gacanta haka hadlin ee xaajeeyso oo caqligu ha taliyo samre sad ma waayo ayey Soomaalidu ku maah-maahda dulqaadka badi aad guuleysatide.
WQ: Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre