M.Qoor-qoor oo ka qeybgalay xaflad loo dhigay xildhibaannadii lagu doortay Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabd Kaariye (Qoor-qoor) ayaa hadal dardaaran u badnaa ujeediyey xildhibaannadii dhowaan lagu doortay galmudug, isagoo faray inay muujiyaan isku duubni lana jaanqaadaan dowladda ay matalaan.

Mudane, Qoor-qoor oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xiray doorashooyinkii ka dhacay Galmudug oo xalay lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa xildhibaannada ku boorriyay inay ka war qabaan degaan doorashadooda isagoo faray inay la socdaan baahiyaha iyo duruufaha ay qabaan dadka ay matalaan.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka mid ahaa maamulladii ugu horreeyay ee kusoo gabgabeeya doorashada xubnaha baarlamaanka labada Aqal xilligii loogu tala galay.