Liz Truss oo loo doortay ra’iisul wasaaraha xiga ee UK,

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, iyadoo la wareegtay awoodda ra’iisul wasaaraha Britain , xilli uu waddanku wajahayo qalalaase nololeed iyo hoos u dhaca.

Mr.Johnson ayaa lagu qasbay inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa bishii Luulyo ka dib bilo fadeexad ah, wuxuuna Talaadada  u safri doonaa Scotland si uu ula kulmo boqorada Elizabeth oo uu u gudbin doono istiqaaladiisa.

Liz Truss waxay noqtay ra’iisul wasaarihii afaraad ee Konserfatifka tan iyo doorashadii 2015.