La taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee dowlad goboleedyada.
Ujeedka Shirkaan loo qabtay oo ahaa sii xoojinta Wadashaqaynta ee Amniga Qaranka ayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ku tilmaamay iney farxad galineyso inuu arko xafiisyo iyo teamka Amniga Qaranka labadooda heer oo sidaan isugu xiran una shaqaynaya si wadajir ah unagana wada hadla daadajinta hanaanka mamul ee Amniga Qaranka, wuxuuna carabka ku adkeeyay talooyinkii iyo doodii la galay sadaxda maalmood ay ku fariisan doonaan nidaamka Qaabdhismeedka Amniga Qaranka.
Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray diyaarinta hindise-sharciyeedka dhismaha Guddiyada Amniga Dowlad-Goboleedyada, si loo xoojiyo nidaamka maamul ee amniga dalka, waxaana si hufan looga wada dooday in la caddeeyo kaalinta Golaha Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Qaranka, iyo Xafiisyada Amniga Dowlad-goboleedyada ee ku jira Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee la cusboonaysiiyay March 2023.
Danjire Aweys Yuusuf wuxuu kasoo qayb galayaasha kulanka u cadeeyay in habeen iyo maalin u furan yahay xafiiskiisa, ayna muhiim tahay in si wadajir ah la isaga kaashado Amniga Qaranka,kaasoo taabanaya nolasha dhinac kasta.
Kasoo qayb galayaasha kulanka ayaa mudadii labada maalmood ahayd waxay isla meel dhigeen In la qeexo waajibaadka iyo hawlaha guddiyada amniga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo dheelitiro baahida amniga gudaha iyo ilaalinta madax-bannaanida. In la horumariyo habraacyo isku-xiran iyo in hababka go’aan qaadashada ay noqdaan mid la isla ogolyahay loona dhaqan galiyo sida ugu haboon kana turjumaysa ilaalinta amniga iyo bedqabka muwadiniinta Jamhuriyada Somaaliya.