laamaha amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari siday sahay ku socotay khawaarijta

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha  waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday khawaarijta,kaas oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.

Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf,iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.

taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay,iyagoo intaa raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.