Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in maanta fagaare lagu gubay 250 kartoon oo Daroogo ah.
Daroogadan oo ay hey’adaha ammaanka qabteen iyadoo Dekedda iyo Garoonka laga soo gelinayo dalka ayaa waxaa in la gubo xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir.