LAAMAHA AMAANKA OO GACANTA KU DHIGAY NIN LAGU EE DEEYAY INUU DILAY GABAR ARDAYAD AH

Taliyaha qeybta galbeed ciidanka Booliska gobolka Banaadir Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganeey) ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysane la tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka gabar Ardayad ahayd.

“Waa ilaahay mahaddiis inaan caawa gacanta kusoo dhignay dambiile Jeylaani Aadan Abaadir , oo Mobile dartiis u dilay Hibo Qaasim Maxamed oo Ardayad ahayd ka qalin jebisay dugsiga sare, farxad ayay ku sugnayd , laakiin wuxuu ugu beddelay ciddii dhashay murugo ” ayuu yiri Taliyuhu.

Taliye Ganeey ayaa sheegay in tuhmanuhu ay u gudbin doonaan xarunta CID-da, si loo mariyo baaritaanno dheeri ah, waloow buu yiri uu isaguba yahay qiraal dembigii uu geystay.

Faa’iso Maxamed Abuukar, oo ah hooyada Hibo Qaasim ayaa u mahad celisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed dedaalkii ay sameeyeen, waxanay intaa ku dartay in Jeylaani uu hadda ka hor weeraray Hibo gabadha ka yar balse ay ka badbaadday.

Hibo Qaasim Maxamed oo dhowaan lagu dilay degaanka Ceelasha biyaha ayaa ka mid ahayd Ardaydii ku baastay Imtixaanka fasalka 12-ee ay shaacisay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliibta sare.