Muqdisho(Wargeyska Dalka)- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminaayo shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan, waxa uu kusimaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyey casuumaada uu ku casuumaday, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay imaatinkiisa Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixyey howlaha uu qabto baarlamaanka caalamiga ah ee is-cafinta iyo nabadda iyo sidoo kale dowladaha ku mideysan.
Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn u mahadceliyey wafdiga ka socda baarlamaanka caalamIga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso Golaha Baarlamaanka caalamiga ah islamarkaana ay kaalinteeda ka qaadan doonto, isagoo la wadaagay warbixin ku saabsan in Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu meel mariyey shuruuc muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya.
Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma ka mid noqoshada Soomaaliya ee Baarlamaanka caalamiga ah iyo sidoo kale wadashaqeynta labada dhinac.


